Garoonka diyaaradaha Baladweyne oo saakay markale xirmay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Saacadihii la soo dhaafay uu ka da’ay roob xoogan.

Dadka deegaanka Baladweyne ayaa soo sheegaya in roobka uu da’ayay ku dhawaad 8 saacadood oo xiriir ah, waxaana uu biyo badan dhigay  Xaafadaha kala duwan ee Baladweyne oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay Garoonka diyaaradaha Baladweyne ee Ugaas Khaliif Airport, kadib markii ay kusoo rogmadeen daadad biyo ah, kuwaasi oo dhex fadhiga gudaha Garoonka.

Maanta oo tallaabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in Baladweyne ay gaaraan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif iyo xubno kale oo ka tirsan Madasha  Xisbiyada Qaran, kuwaasi oo Baladweyne u wada gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaadii ka dhacday halkaas.

Si kastaba Garoonka diyaaradaha Baladweyne ayaa horey u xirmay, kadib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, hayeeshee markii dambe dib ayuu u furmay, balse Maanta ayuu mar kale xirmay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media