Gargaarkii u horreeyey ee Bani’aadanimo oo gaaray Caasimadda Mekele

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in duulimaadyada iyo gaadiidka xamuulka ah ee sida gargaarka ay dib u bilaabeen isu socodkii caasimadda Addis Ababa ee dalka uu dagaalku halakeeyay ee Ethiopia iyo magaalada Mekelle ee gobolka Tigray.

Gutters ayaa shir jaraa’id ka sheegay in 157 gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada ah ay gaareen magaalada Mekele.

“Kolonyo cusub ayaa dhaqaaqeysa, si gargaarka bini’aadantinimo uu si hufan dib ugu bilowdo. Dabcan ma ahan sidii aan rabnay. Laakin waa calaamad wanaagsan in duulimaadyadii QM ee Mekelle iyo Addis Ababa ay dib u bilowdaan,” ayuu yiri Gutters.

Waxa uu sheegay in dib u bilaabashada in gargaarku gaaro caasimadda gobolka Tigray ay muujineyso rajjo yar oo fududeyn kartO wadahadal ay dhinacyadu yeeshaan.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat oo dhinac taagnaa Gutters ayaa sheegay baahida loo qabo xabbad-joojin, isaga oo nasiib daro ku tilmaamay in dagaalku uu sii socdo.

Gutters ayaa ku booriyay dhinacyada dagaallamaya in ay dagaalka joojiyaan ayna bilaabaan wadahadallo ay ku soo afjaraan dagaalka qaatay mudada ka badan sanadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor