Garabka Cabdi Xaashi oo diiday ka qeyb galka Doorashada Maanta dhaceysa

Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland ee maamulaya doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi.

Xubnaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa doorashadooda Maanta ku dooran Guddoon hoggaamiya Guddiga oo ka kooban 11-xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahi Guuleed iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dhinaca kale doorashada dhaceysa ayaa waxaa diiday inay ka qeyb galaan xubnaha Garabka ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Xubnahan oo ah afar ka mid ah sideedda Guddiga deegaan doorashada Somaliland ee ka yimid dhanka Cabdi Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galkooda doorashada Maanta ka dhaceysa Teendhada Afisyooni.

Waxaa ay dalbadeen afarta xubnood ee Cabdi Xaashi inay uga qeyb geli karaan oo kaliya doorashada in 8 xubnood ee Guddiga ka qeyb galaan doorashada iyo in wada hadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa waxaa ka taagan khilaaf xoogan oo sababay in Guddiga dhex-diisa ay Guddoon kala doortaan, hayeeshee markii dambe doorashooyinkaas ayaa waxaa baabi’iyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor