Gantaalo lagu garaacay Safaaradda Dalka Mareykanka

Gantaalo ayaa lagu garaacay  safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Duqeynta lala beegsaday Safaaradda oo ku taalla aagga cagaaran ee sida gaarka ah loo ilaaliyo.

Gantalo lagu sheegay tiradooda Siddeed gantaal ayaa lagu beegsaday Saafaradda oo ku taalla Caasimadda Dalka Ciraaq ee Baqdaad, waxaana la sheegay in uu jiro khasaaro baahsan oo soo gaaray dhismaha Safaaradda.

Wali lama shaacin dad ku waxyeeloobay Gantaalada lagu tuuray Safaaradda, balse waxaa jira in ay gabi ahaanba bur-bureen dhismayaashii Safaraadadda mareyukanka ee Baqdaad.

War kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in Gantaalaha lagu weeraray Safaaradda, basle ma sheegin Khasaaraha Nafeed eek a dhashay weerar kaasi Gantaalaha loo adeegsaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media