Gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada

Wararka ka imaanayo dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xaley gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahirdar xilli uu dagaal ka socda gobolka Tigray,sida ay ku warrantay warbaahinta gobolka Amxaarada.

Waa markii labaad oo gantaallo lala beegsado Bahirdar tan iyo markii labo toddobaad ka hor ay dagaallada ka qarxeen Tigray.

Warbaahinta gobolka waxay ku warrantay in gantaallada ay soo tureen dagaalyahanada TPLF inkasta oo warkaas aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.

Waxaana lagu soo warramayaa in gantaallada aysan wax khasaare ah ka geysanin magaalada.

TPLF waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay duqeyneyso goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee dhaca caasimadda Mekelle balse dowladda ayaa beenisay eedeymahaas.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka TPLF ay xaqiijiyeen in gantaallo ay ku garaaceen Eritrea.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media