Ganacsato Soomaali oo ku hanti beelay rabshadihii K/Afrika oo Cabasho gudbiyey

Qaar kamida Ganacsatadii Soomaalida ee ku Hanti beelay banaanbaxyadii boobka isku rogay ee dhawaan ruxay Koonfur Afrika ayaa maanta Cabasho u gudbiyey Guddiga ay dowladda Madaxweynaha dalkaas Cyril Ramaphosa u saartay qiimeynta khasaarihii ka dhashay xasaridii ka dhashay xariggii Jacob Zuma.

Soomaalida oo qeyb ka ah Ganacsatada iyo Ajaanibta kale ee la dhibaateeyey ayaa dowladda ka dalbaday inay siiso dhaqaale si ay dib ugu furtaan Ganacsiyadoodii cagta la wada mariyey ee ay ka fara maran yihiin maanta.

Khasaare nafeed oo lagu waayey Afar Muwaadiniin Soomaaliyeed ah iyo Malaayiin Dollar ah ayaa Soomaalida kasoo gaaray rabshadihii khasaaraha geystay ee ka dhacay dalka Koonfur Afrika oo ka dhashay xariga Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuuma oo lagu xukumay 15 bilood.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa waxaa uu sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay garab dhaqaale siiso dadkii hanti beelay rabshadihii ka dhacay Koonfur Afrika, gaar ahaan Ganacsiyada Tuck Shopyada, inkastoo uusan Soomaali ama Ajaanib midna si gaar ah u carabaabin.

Xasilooni la’aanta iyo Bililiqada baahsan ee ka dhacday dalkaasi ayaa waxay bilaabantay, kadib, markii Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuma lagu xukumay 15-bilood, kadib, markii uu diiday Baaritaanka Eedeymo la xiriira Musuqmaasaq dhacay, muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa dalkaasi laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii ilaa 2018-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor