Ganacsatada Qudaarta ee Magaalada Hargeysa oo hal arrin ka cabanaya

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Hargeysa laga daremayay qiimo koror ku yimid qiimaha la kala siisto noocyada kala duwan ee Qudaarta aas oo cabasho ballaaran ay ka muujinayaan Ganacsatad iyo dadka sida joogtada ah u isticmaala.

Ganacsatada oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay wixii ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay magaalada Adis ababa in uu is bedelay qiimaha qudaarta,maadaama siada ay sheegeen gaadiidkii Qdaarta doooni jiray aaney bxin sida ay hadalka u dhigeen.

Dadka sida joogtada ah u iibsada Qudaarta ayaa sheegay in qiimaha lagasiiyo ay aad u sareyso isla markaana aysan iibsan karin sidaas darteedna waxa ay baaq u direen madaxda maamulka Somaliland.

Dhankooda ganacsatada keenta Qudaarta ayaa tilmaamay in saameyn weyn ganacsigoodii uu ku yeeshay rabshadaha ka dhacay dalka Itoobiya,Baradhada ayaana la sheegayaa in ay qiima kororka ugu badan uu ku yimid,iyaga oo sheegay in haatan la kala siisto 10,000 oo shilinka Soomaaliland ah halka markii hopre laga siin jiray 5000 oo Shilinka Soomaaliland ah.

Markii ay soo baxday cabashada la xiriirta qiimaha Qudaarta Wasiirka Beeraha Soomaaliland ayaa kulan gaara ah la qaatay Ganacsatada isaga oo kala hadlay isidii qiimaha dadku ku iibsadaan Qudaarta oo sareysa hoos loogu dhigi lahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media