Ganacsatada Qaadka Kenya oo dalbaday dib soo celinta Qaadkii ay keeni jireen Somalia

Ganacsatada Qaadka ee Meru ayaa waxaa ay saxiixeen Qoraal Codsi oo ay Xildhibaanadda Barlamaanka Kenya kaga codsadeen inay Wasiiradda Xukuumadu ku booriyaan inay u ololeeyaan sidii loo soo celin lahaa Suuqii ay ku lahaayeen gudaha Somalia.

Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa waxay ugu baaqeen  Xildhibaanada inay  kala xaajoodaan Saraakiisha Wasaaradaha Beeraha, Ganacsiga, Wershadaha, Arrimaha Gudaha iyo Dibedda, si loo helo qaabablagu xalin karo Dhibaatooyinka haysta Ganacsatada Qaadka.

Qoraalkooda waxay kaloo ku sheegeen inaysan Beeralayda Hal Suuq Qaad oo muhiim ah ku lahayn meel ka baxsan Kenya, iyagoo dhanka kale tilmaamay in marka la barbar dhigo Qaadka ka baxo Ethiopia ay aad uga macaashaan Suuqyada gudaha Somalia.

Bishii May, Ganacsatada Qaadka Kenya waxay Dowladooda ka codsadeen inay xaliyaan Khilaafkii Diplomaasiyadeed ee Somalia, iyagoo tilmaamay inay khasaaro ballaaran soo gaartay muddadii uu go’naa Xiriirka labada Dowladood.

Gnacsatada Qaadka waxay Somalia u ahayd Suuqa ugu weyn ee ay Qaadka u iib geyn jireen, kadib, markii dalalka UK iyo Netherlands laga mamnuucay Qaadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor