Ganacsade caan ah oo Meydkiisa lagu arkay Xeebta Kismaayo

Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Xarunta  Gobolka Jubbada hoose  ayaa ku warramaya in Xeebta Kismaayo lagu arkay Meydka Allaha u naxariistee Ganacsade Nuure Axmed Baasto oo si weyn looga yaqaanay gudaha magaaladaasi.

Dad Goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen Maydka Marxuumka oo dhaawacyo aad u daran ay ku yaallaan, waxaana ay sheegeen in Meydka Koronto, ceejo iyo waxyaabo kale la isugu daray, sidaaas na uu ku geeriyooday.

Dilka Marxuumka ayaa lagu eedeyay in Ciidamada Jubbaland ay ka dambeeyaan falkaas dilka ah, waxaana  qaar ka mid ah dadka degaanka ay sheegeen in looga shakisan yahay Ciidanka Maamulkaasi, waxaana wararku intaas ku darayaan in Xalay lagala baxay Gurigiisa islamarkaana la geeyay Xeebta magaalada Kismaayo halkaas oo ugu dambeyn si arxan darro ah loogu dilay.

Ganacsade Nuure Axmed Baasto ayaa si weyn looga yaqaanay Magaalada kismaayo iyo degaanada Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media