Galmudug oo xilka qaadis ku sameeysay Guddoomiye ku-xigeen ku biiray Ahlusunna

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qoroow ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiye ku-xigeenkii deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud.

Cabdullaahi Cali Xalane  oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii deegaanka Mareergur ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu gabay shaqadii loo idmaday, isla markaana uu ku biiray Ahlusunna Waljamaaca oo ku sugan Magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wareegtada xilka qaadista ee uu soo saaray Guddoomiye Cabdiraxmaan Geeda-qoroow ayaa waxaa lagu caddeeyay in Cabdullaahi Xalane uu cadeystay inuu kasoo horjeedo Maamulka Galmudug, kuna biiray Ahlusunna.

Waxaa kaloo Wareegtada lagu sheegay in Maamulka uu Guddoomiye ku-xigeenkii xilka qaaday ugu baaqay inuu dib ugu soo laabto degaanka Mareerguur ee Gobolka Galgaduud, hayeeshee uu biyo diiday Baaqa loo jeediyay.

Xilka qaadista lagu sameeyay Cabdullaahi Cali Xalane ayaa waxaa ay kusoo aaday, iyada oo xiisad u dhexeeysa Ahlusunna Waljamaaca iyo Galmudug ay ka taagan tahay degaano hoostega Magaalada Guriceel, waxaana halkaas ka socda dhaq-dhaqaaqyo Ciidan.

Hoos ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor