Galmudug oo War kasoo saartay dagaal Beeleedyo ka socda Galgaduud

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si wadajir ah u Cambareeyay dagaal beeleedyo ka socda xadka ay wadaagan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Galmudug.

Madaxda Galmudug ayaa marka hore tacsi u diray qysaska dadkii ku geeriyooday dagaal beeleedyada, halka kuwa dhaawacmay ay Alle uga baryeen inuu Caasimaad deg deg aj siiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu dambeyn Madaxda Galmudug ayaa xusay inay Ciidamo u direen deegaanada uu ka socdo dagaalka, isla markaana ay kala dhex geli doonaan Maleeshiyaadka si loo joojniyo dagaalka.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye “QoorQoor” iyo madaxwayne kuxigeenka mudane Ali Dahir Iid waxay siwadajir ah u cambaaraynayaan dagaalada nasiib darada ah ee kasocda gudaha xadka ay wadaagaan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxdu waxay xanuunka la qaybsanayaan una tacsiyaynayaan dadka ehelkoodu kudhinteen dagaaladaasi iyo kuwa kudhawacmeen,waxayna alle uga baryeen inta dhimatay inuu unaxariisto,inta dhaawacaana ubooga dhayo,waxayna amreen in sideg dega loojiyo dagaalka loona dhaga nuglaado baaqyada nabadeed ee madaxda iyo waxgaradka samajeclaha ah.

Madaxda waxay kaloo ay xuseen in ciidamo iyo dad masuuliyiin ah u direen deegaanada dagaaladu ka socdaan si loo joojiyo colaada, sidoo kalana ay xiriiro kala sameeyeen madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka qayb qaadashada joojinta colaada ka taagan xuduudka ay wadaagaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media