Galmudug oo sheegtay in la helay halka laga soo abaabulay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug Col, Cabdi Jaamac Cabdulle ayaa shaaciyay in kadib baaritaano ay sameeyeen ay heleen halkii laga soo abaabulay weerarkii lagu qaaday Xarun uu Gaalkacyo ku lahaa Sheekh Cabduweli Sheekh Cilmi Yare oo weerarkaas lagu dilay.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in raggii weerarkaas fuliyay ay ku sugnaayeen Guri ku yaalla Xaafada horumar oo ka mid ah Xaafadaha Magalada Gaalkacyo,isla markaana ay arkeen raadad muujinaya inay Gurigaasi deganaayeen raggii weerarkaasi fuliyay.

Dhinaca kale Maalmihii la soo dhaafay tan iyo markii uu dhacay weerarkii Gaalkacyo waxaa socday howlgallo kala duwan oo ay Magalada Gaalkacyo ka sameynayeen ciidamada Maamulka Galmudug wallow ilaa iyo hadda aysan jirin cid loo qabtay weerarkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor