Galmudug oo shaqo joojin ku sameeysay shaqaale badan iyo sababta

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaqo joojin ku sameeysay shaqaalihii Wasaaradda Maaliyadda Maamulka ee ka howlgalayay Magaalada Caabudwaaq iyo Balanbale, kadib Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir Cabdicaiis Maxamed Cumar.

Shaqo joojinta lagu sameeyay shaqaalaha ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeysay, kadib markii Maamulada iyo shacabka Caabudwaaq iyo Balanbale ay diideen inay bixiyaan Lacagta Canshuurta ah ay qaado Wasaaradda Maaliyada Galmudug.

Wasiir Cabdicaiis Maxamed Cumar ayaa shaqo joojinta la tashi kala sameeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isagoo markii dambena soo saaray Qoraalka shaqo joojinta ah.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo shaqada Wasaaradda Maaliyadda ka wada Magaalada Caabudwaaq iyo Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Wasiir Cabdicaiis Maxamed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media