Galmudug oo shaacisay inay la wareegeyso Garoomo diyaaradeed

Wasaaradda Gadiidka cirka iyo dhulka ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay inay la wareegayso Garoomada diyaaradaha ee ku yaalla deegaannada maamulka, kuwaasi oo hore gacanta ay ugu hayeen Shaqsiyaad.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Galmudug ayaa waxaa dhamaan maamulada Garoomada diyaaradaha lagu wargeliyay inay gacanta ku heynta Garoomada ku wareejiyaan Maamulka Magaalooyinka ay ku yaallaan.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in cid kasto oo ku shaqo leh arrimaha Garoomada looga baayan inay la shaqeeyaan Wasaaradda Gadiidka cirka iyo dhulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa horey ula wareegtay Kastamyada degaanada Galmudug iyo Ciidamo maleeshiyo beeleed ahaa, hub iyo gaadiid dagaal, waxaana Maleeshiyaadka la shaaciyay inay ka qeyb noqon doonaan Booliska Maamulkaas.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Galmudug.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media