Galmudug oo Saraakiil u ciqaabeysa Dagaaladii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Guriceel

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa ka hadlay dagaalo Ciidanka Booliska Galmudug iyo  Ciidanka Milateriga Gor-gor ku dhexmaray Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Guddoomiye Cabdullaahi Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladii ka dhacay Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud loo ciqaabi doono Saraakiisha Mas’uulka ka aheyd hoggaaminta Ciidamada dagaalamey.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug ayaa sidoo kale Ciidamada Booliska Maamulka iyo kuwa Milateriga Gor-gor faray in qolo walba lagu tix-galiyo howsha gaarka u ah ee ay Mas’uulka kaga tahay Qaranka.

Dagaaladii dhawaan Ciidanka Booliska Galmudug iyo Ciidanka Milateriga Gor-gor ku dhexmaray Magaalooyinka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah soo gaaray.

Dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb ayaa ka bilowday markii hore Ciidamo ka kala tirsan Galmudug iyo dowladda uu muran soo kala dhex-galay, halka dagaalkii Guriceel uu ka dambeeyay, kadib markii Booliska Magaaladaas ay xireen Ciidamo ka tirsan Gor-gor.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor