Galmudug oo Maamul u magacaawday degaan ay ka dhaceen dagaalo iyo dilal

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maamul Cusub u magacaawday deegaanka Xananbuure ee hoostega Magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Xananbuure loogu magacaabay inuu noqdo Cabdi Xasan Aadan, halka ku-xigeenkiisa laga dhigay Ibraahim Cilmi Salaad.

Guddoomiyaha Magaalada Caabudwaaq ayaa bulshada ku dhaqan deegaanka Xananbuure ka dalbaday inay la shaqeeyaan maamulka deegaanka loo magacaabay, si loo ogaalo baahiyaha ka jira halkaas.

Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay dagaal beeleedyo geystay khasaaro kala duwan iyo dilal la xiriira aano qaabil, kuwaasi oo ka dhashay markii horey muran dhuleed iyo arrimo kale oo la isku heystay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista maamulka Cusub. 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media