Galmudug oo la wareegtay Maleeshiyo hor leh iyo Gaadiid dagaal

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa qaar kamid ah beelaha dega Gobalka Mudug kala wareegtay hub iyo gadiid dagaal, taas oo qeyb ka ah qorshaha  dardar gelinta diyaarinta Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo in dhammaan deegaanada Galmudug ay gacanta ku dhigaan ciidamo ka amar qaata maamulkaas.

Qaar Ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyo beeleedyada wareejiyay hubka iyo gaadiidka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ka mid noqoshada Ciidamada daraawiishta Galmudug ee la qorsheynayo in marka ay soo dhamaadaan tababaridooda ay ka qeyb qaataan ololaha xoogan ee loogu jiro sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la wareegay maleeshiyadaan ayaa uga mahad celiyay waxgaradka beelaha ay maleeshiyaadkoodu wareejiyeen agabkaan ciidan kaalinta ay ka qaateen in uu taabo galo, isagoo dhanka kalana sheegay in maleeshiyaadkii horay u heystay hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu wareejiyay ay u sameeyn doonaan dhaqan celin iyo tababar isla markaana ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahooda ugu horreeya uu noqon doono ka shaqeynta amniga iyo nabad galyada Guud ahaan deegaanada Galmudug si argagixisada looga xureeyo deegaanada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media