Galmudug oo ka hadashy weerarkii lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Xoogga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu dilay saraakiil ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay gaysteen meleshiyaad aan ilaa iyo hadda la xaqiijin waxa ay yihiin kuwaas oo saraakiisha geeriyootay wadada u galay kadibna rasaas ku furay xili ay ku sii jeedeen degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud.

Wasiirka warfaafinta ee mamaulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ilaa toddobo sarkaal ay geeriyoodeen laba kalana la’ yahay raq iyo ruux.

Mr Falagle ayaa sheegay in maamulkiisu uu saacadaha soo socda dadweynaha la wadaagi doono faahfaahinta wararka ku gedaaman falkaan saraakiisha ciidamada dowladda lagu laayay.

“Deegaannka oo dhan ayaa aad loogu baxay haddii la dhex galo dadka Soomaaliyeedna waa wax la oggaan karo halka ay ka yimaadeen iyo waxa ay yihiin marka saacadaha soo socda ayaan warbaahinta la wadaagi doonaa wixii shaqo ah oo amniga ay ka soo qabtaan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Axmed Shire Falagle.

Sidoo kale war qoraal ah oo la soo dhigay barta facebook-ga ee Wasaaradda amniga gudaha Galmudug ayaa lagu yiri “Ciidamada amaanka Galmudug hawlgal baahsan oo ay ka wadaan deegaankii faldanbiyeedkaas foosha xun uu ka dhacay, waxay ku guulaysteen in ay soo badbaadiyaan saraakiishii la weeraray qeyb ka mid ah ayagoo ku raadjooga kooxihii dilkaas geystay si cadaaladda loo horkeeno.