Galmudug oo ka hadashay weerar Dad lagu dilay oo ka dhacay Mudug

Maamulka Galmduug ayaa ka hadlay weerar geystay khasaaro oo habeenkii xalay ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka Gobolka Mudug ee Maamulkaas.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku cambaareeyay weerarkii dad xoolo-dhaqato ahaa lagu dilay, xili ay ku sugnaayeen deegaanka Saaxa-wanaag.

Wasiir Fiqi ayaa tacsi u diray qoyska laga dilay laba ruux oo xoolo dhaqato ah, halka mid kalena la dhaawacay, waxaana falkaas geystay rag hubeysan oo maleeshiyaad ah oo watay Qori Ak-47 oo ka rideen rasaas dhowr ah.

Sidoo kale Wasiirka amniga Galmudug ayaa laamaha amniga Maamulka ugu baaqay inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii danbigaas geysatay, isla markaana sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo falkaas dhacay.

“Waa fidno cusub oo xasiloonida deegaanka iyo wada noolaasha dadka deriska leh lagu Qalaad-gelinayo, waxaan ku baaqaynaa in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada Shabaab” ayuu yiri Wasiirka.

Weerarkii xalay lagu dilay labada qof ee ahaa xoolo-dhaqatada ayaa waxaa la sheegay inuu yahay mid la xriira aano qabiil oo horey uga dhacday Gobolka Mudug, waxaana xusid in halkaas dhowr jeer ay ka dhaceen weeraro iyo dilal qorsheysan oo salka ku haaya aanooyin qabiil.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor