Galmudug oo ka hadashay sababta ay Ciidamo uga dalbadeen Maamulka Puntland

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Ciidamo ka tirsan Puntland oo maalmo kahor gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaasi oo la sheegay inay ku biireen Ciidanka Galmudug ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug Cabdullaahi Cabdisalaan oo la hadlay Wakaalada Wararka Reuters ayaa u sheegay in maamulka deriska yihiin ee Puntland ay ka dalbadeen inay Ciidamo badan usoo diraan, si qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in sababta Ciidanka uga dalbadeen Puntland ay tahay inay khibad u lee yihiin la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana ay doonayaan inay ka caawiyaan sidii dhulka Shabaab ka heysato Galmudug looga saari lahaa.

“Maadaama Puntland, ay khibrad u leedahay la -dagaallanka Alshabaab, waxaan ka codsannay inay naga caawiyaan sidii aan Al -shabaab uga saari lahayn dhulka ay naga haystaan,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Amniga Galmudug oo ka hadlaayay Ciidamo ka tirsan Puntland oo wata gaadiid dagaal oo gaaray koonfurta Mudug.

Maamulka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe dagaal adeg kula jiray Al-shabaab, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena dhinacyada ay kala qabsadeen degaano dhowr ah.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhawaan dib ula wareegay Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug iyo deegaano kale oo hoostega Magaaladaas oo ay ka baxeen Ciidanka Milateriga dowladda gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor