Galmudug oo ka hadashay Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Cali Geeda-qorow ayaa ka hadlay Israsaaseyn shalay dhexmartay Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Galmudug iyo kuwa Kummaandooska Gor-gor ee dowladda Federaalka…

Guddoomiye Geeda-qorow ayaa sheegay in Israsaaseyntii dhexmartay Ciidamada ay ka bilaabatay muran kooban oo soo kala dhex galay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska iyo mid kale oo kamid ah Ciidanka Gor-gor, xili howlgal ay wadeen Ciidanka Booliska.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo la hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in rasaasta ay isdhaafsadeen labada dhinac uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna sheegay inay ku dhimatay hal gabar oo shacab ah, halka laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dagaalamay ay dhaawacmeen, sidoo kalena burbur uu gaaray gaadiid.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiye Cabdiraxmaan Geeda-qorow in shaqaaqada dhacday xal laga gaaray, isla markaana Ciidanka dagaalamay la isku keenay oo la heshiisiiyay, isagoo xusay in Guddiga loo saaray qaabka uu falka u dhacay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha tilmaamay inay ka xun yihiin wixii dhacay, waxaana uu sheegay in ammaanka Caasimadda Galmudug uu yahay mid wanaagsan, isla markaana beeniyay warar laga faafiyey dagaalkii dhacay oo uu xusay in aysan cidna ku barakicin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor