Galmudug oo hubka ka aruurinaysa Beelaha dega Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada khasaaraha geysta ee ka dhaca deegaanada maamulka Galmudug.

Qoor Qoor ayaa tilmaamay in maalmahaan uu u joogo deeganada kala duwan ee maamulkaas sidii loo simi lahaa awoodda Beelaha hubkana looga wareeji lahaa si dagaal Beeleedyada looga baaqsado.

Dhinaca kalana waxa uu shaaca ka qaaday in qorshahaan hubka dhigista uu sii soconayo,si galmudug nabadeedu u xoogeysato.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu wareejiyay Maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen isaga oo shaaciyay in kuwa kalana sidaas oo kale loogu wareejin doono.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media