Galmudug oo Guddi u saartay dhacdadii shalay lagu laayay Saraakiisha

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo wada hawlgal lagu baadi-goobayo kooxihii dil wadareedka u geystay saraakiil ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ka tirsan ayaa ku guulaystay In ay gacanta ku soo  dhigaan mid ka mid maleeshiyaadkii falka dilka geystay oo hubaysan.

Maamulka degmada Guriceel iyo ciidamada amniga ayaa sidoo kale ku guulaystay In ay helaan mid ka mid ah saaraakiishii la weeraray oo la waysanaa oo badqaba, ayadoo sidaas ay ku noqonayaan saraakiisha weerarkaas ka badbaaday 3 sarkaal.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa guddi baaritaan u saartay dhacdadii shalay galab ka dhacday meel u dhexeysa Guriceel iyo Balanballe kuwaasoo  baaritaan qotodheer ku samaynaya falkii weerarka saraakiisha.

Ciidamada amniga ayaa tan iyo shalay marka ay dhacdadii foosha xumeyd ay dhacday  weli ku raadjooga kooxihii weerarkii shalay ka danbeeyey, si loo horkeeno cadaaladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media