Galmudug oo gargaar gaarsiisay barakacayaal ku sugan duleedka magaalada Dhuusamareeb

Duqa Magaalada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, Wasiir kuxigeennada beeraha iyo shaqada iyo Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Galmudug ayaa deeq ay iska aruuriyeen waxa ay gaarsiiyeen dadka ay Abaaruhu Saameeyeen ee ku sugan duleedka Dhuusamareeb.

Boqol Qoys oo ka mid ah Dadkan oo intooda badan ah kuwo kasoo barakacay dagaalkii ka dhacay dhowaan degaanka Bohol iyo kuwo ay abaaruhu saameeyeen oo ay duruuf adag ku haysato halkaasi ayaa loo qeybiyay raashiin isugu jira Bur, Bariis ,Sokor iyo saliid.

Cali Cabdinuur oo ku hadlayay afka mas’uuliyiinta halkaasi geysay deeqda ayaa sheegay in dadka ay raashiinka siiyeen ay ahaayeen kuwo aad u duruufeysan, wuxuuna intaa ku daray inay u qiimeeyeen sida ay u kala daran yihiin dhowaanna ay gargaar kale gaarsiin doonaan inta aan weli helin gargaarka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor