Galmudug oo Dalab u dirtay  Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka

Magaaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud a6aa waxaa lagu qabtay Shir ay iskugu yimadeen Hay’adaha Gargaarka iyo Hormarinta Soomaaliya ka shaqeeya.

Shirkaan ayaa waxaa Gddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana diirada lagu saray Sidii Hay’addaha Gargaarka iyo Hormarinta Mashariicda ay fuliyaan u waafajin la haayeen rabitaanka Shacabka Galmudug iyo Maamulkooda.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay hey’adaha Gargaarka iyo Hormarinta Soomaaliya kuwooda aan Xarumo ku lahayn Galmudug in ay Xafiisyo ka furtaan, isla markana si dhamaystiran shaqooyinkooda.

Sido kale Madaxweynaha ayaa faray in Hey’adaha si dhow ula shaqeeyan Wasaaradaha kala ah Qorshaynta, Gargaarka iyo Maraynta Masiiboyinka oo ah Wasaradaha ay Galmudug u xilsaratay la shaqaynta Hay’adaha kala duwan.

Mudane Ciid waxa uu sheegay in sanadka soo socda 2021 ay dowlada Galmudug ay wax badan ka qaban doonto kaabeyaasha dhaqaalaha, daadajinta Maamulka iyo dhamaystirka Goleyaasha Deegaanka.

Shirkaan muhiimka ah ayaa waxaa dhanka Dowlada Galmudug ku Matalayay  Mas’uliyiin ka kala socota Wasaradaha Qorsheynta, Gargaarka iyo Maraynta Masiiboyinka iyo Arimaha Gudaha

Sido kale waxaa kasoo qayb galay Hey’adaha UN OCHA, IOM,UNMAS,IRC, CISP, MERCY USA, DRC,NRC,CARE ,FCA iyo kuwa kale, waxaana Qodobada Shirkan looga hadlay la isla fahmay, waxaana la isla qaatay in Shirka xiga lagu qabto Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media