Galmudug oo Ciidamo farabadan ku daad-gureysay Guriceel iyo sababta keentay

Maamulka Galmudug ayaa habeenimadii xalay Ciidamo farabadan oo wata gaadiidka nooca dagaalka u daad-gureeyay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas laga dareemay abaabul ay wadaan rag maleeshiyaad ah oo hubeysan.

Ciidamadan oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay gaaray Guriceel, isla markaana degay dhowr meel oo ka tirsan Magaaladaas, waxaana la sheegay in Ciidankan ay ka hortegayaan abaabul ay Guriceel ka wadaan maleeshiyo beeleed.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa soo weriyey in xalay gudaha Magaalada ay soo galeen Ciidamo farabadan oo wata gaadiidka nooca dagaalka, ayna dareemayaan cabsi la xiriirta inuu dhaco dagaal u dhexeeya Ciidanka Galmudug iyo maleeshiyaadka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Guriceel Cismaan Cali Hudey oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in in laamaha amniga Maamulka ay gacan bir ah ku qaban doonaan kooxo uu sheegay in ay wadaan duulaan ka dhan ah laamaha amniga Guriceel.

Taliyaha Booliska ayaa waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka hubeysan ee wada abuubulka ay doonayaan inay qabsadaan degmada Guriceel, hayeeshee marnaba aysan aqali doonin arrintaas, isla markaana ay ka hortegi doonaan maleeshiyaadka is abaabulayo.

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa abaabul weyn ka wada maleeshiyaad ka gadoodey dil habeebo kahor Booliska u geysteen Nin hubeysan, kaasi oo u dhintay dhaawac kasoo rasaasta ay isugu jawaabeen askar waardiye ka aheyd Bar koontarool.