Galmudug oo Ciidamo farabadan dhigtay Waddooyinka Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in Ciidamada Dowlada Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidamada  ATMIS heegan sare laga galiyay Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Wararku waxaa ay sheegayaani la arkayo askar aad u badan oo saacadihii u dambeeyay lasoo dhoobey wadooyinka soo gala Magaalada iyo xarumaha muhiimka ah ee maamulkaasi Galmudug.

Ciiidamo kale oo aad u hubeysan ayaa sidoo kale la geeyay dabaqyada iyo dhismayaasha kale ee ku yaala bartamaha Magaalada, waxaana sababta rasmiga ah ee Ciidanka heeganka lo galiyay lagu sheegay cabsi laga qabo in Ahlusunna.

Ahlusunna ayaa wadda sida la sheegay  dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan la ogeyn halka sida rasmiga ah ay ugu wajahan yihiin, iyadoo lasoo wariyay in ay dhowr wado oo jahooyin kala duwan ah uga ruuqaan sadeen deegaanka Bohol oo bilihii ugu dambeeayy xarun u ahaa Xoogagga Ahlusunna.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor