Galmudug oo caddeysay Mowqifkeeda Metelaadda Gobolka Banaadir

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeeyay ka hadashay Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka  Sare ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Maxamed Cumar (Falagle) oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu soo dhaweynayo Go’aankii lagu ansixiyay Metelaadda Gobolka ee 13-ka xubnood looga siiyay Aqalka Sare, isagoona sheegay in arrintaas ay tahay tallaabo horey loo qaaday.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Galmudug ay diyaar u tahay inay isku keento cid kasta oo kasoo horjeeda Metelaadda Gobolka ee Aqalka sare ee dalka, wuxuuna carabka ku dhuftay in ka maamul ahaan ay taageersan yihiin siyaasadda dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Wasiir Axmed Maxamed Cumar in Galmudug ay dooneyso in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ay hesho Metelaada ay leedahay, isla markaana taas ay noqoto mid dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay ku wada qanacsan yihiin.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayuu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed aan loo baahneyn in xiligaan la kala fogeyo, wuxuuna xusay in cid kasta oo tabasho qabta wada-hadal lala furi doono.

Si kastaba Galmudug ayaa noqoneysa maamul Goboleedkii labaad ee soo dhaweeyay Go’aankii lagu ansixiyay in Gobolka Banaadir 13-xubnood laga siiyo Aqalka Sare ee dalka, waxaana horey u soo dhaweeysay Hirshabeelle, halka Puntland ay kasoo horjeesatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media