Galmudug oo bilowday wejigii labaad ee Xareynta Maleeshiyaadka

Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayaa wasiirka amniga Galmudug uu isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa.

Wasiir Fiqi iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa Xerada Tababarka dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa waxaa ay halkaas kula hadleen Ciidamo kala duwan oo lagu xareeyey, kuwaasi oo ka kala yimid Cadaado iyo Galinsoor.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaankarroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Howsha xareynta Maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaalka ee ay waddo wasaaradda amniga ayaa wajigeedii labaad ka bilowday gobolka Galgaduud, ka dib markii maleeshiyaadkii gobolka Mudug lagu guulaystay in la xareeyo loona furey tababar todobaadkii hore.