Galmudug iyo Puntland oo iska kaashanaya dhaqan gelinta hal Arrin

Guddoomiyeyaasha Maamulada Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland oo kulan Ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegey inay Xaalad Deg deg ah lagu soo rogay Mgaalada Gaalkacyo gaar ahaan goobaha dadku isugu yimadaan, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.

Guddoomiyeyaasha Gobolka ayaaa sheegey in laga bilaabo 20-ka oo Bishaan ku beegsan maalinta berri ah uu dhaqan gali doono Bandow ka dhan ah faafitaanka Cudurka COVID-19, waxaana la mamnuucay Gadidika imaanaya Magaalada, kuwaas oo uu ugu horreeyaan gadiidka qaadka keena.

Kulankaan laga soo saaray Go’aanka Bandowga ayaa yimid ka dib Markii shalay uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu Magacaabay Gudiga ka hortagga Caabuqa Covid 19.

Sidoo kale waxaa Maanta la magacaabay Guddiga ka hortega Cudurka Coronavirus ee Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug, kuwaasi oo dadka ka wacyi-gelin doona faafida Cudurka Coronavirus, isla markaana dadka u jeedin doona tallooyin Caafimaad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media