Gabdho tababar Ciidan loo qaaday oo laga sagootiyay Magaalada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Garoonka diyaarahada ee Aadan Cadde ku sagootiyey 49-gabhdood oo ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Taliyaha Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Gabdhahan ay soo qaadanayaan tababar heerkiisu sareeyo, taas oo kamid ah dadaalka lagu xaajinayo dhismaha iyo tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliya.

“Waxaan Garoonka Aadan Cadde ku sagootinay 49-gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo u dhoofay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, si ay usoo qaataan tababar heerkiisu sarreeyo, iyagoo ku biiraya dedaallada loogu jiro dhismaha iyo tayaynta CBS.” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed S /Gaas. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Sidoo kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed ayaa Gabdhaha tababar loogu qaaday dalka Turkiga kula dardaarantay inay tababarka si wanaagsan u qaatan, isla markaana ay dalka dib ugu soo noqdaan iyaga oo u taagan difaaca shacabka.

Waa Cutubyadii ugu horreeysay oo Gabdhado ah kana tirsan ciidanka Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramacad oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga, iyadoona horey dalkaas ay tababar ugu soo qaateen Ciidamo farabadan oo ka tirsan Haramcad iyo kuwa Gorgor.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor