Gabdho ka tirsan Booliska Haramcad oo tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayay gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday Dugsiga tababarrada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale derajooyin loogu xiray Saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku boggaadiyay gabdhaha ka tirsan Ciidanka Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in Xarunta Barbaarinta Agoonta Booliska Soomaaliyeed lagu kordhiyo dugsi sare isagoo faray Wasaaradda Waxbarashada in howshaas u fuliso sida uga dhaqsiyaha badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor