Gabar uu dhalay madaxweynaha Philippines oo loo dhaariyay madaxweyne ku xigeenka waddankaas

Gabadha ugu wayn ilmaha maaxweynaha Philippines Rodrigo Duterte ayaa loo dhaariyay xilka madaxweyne ku xigeenka wadanka.

Sara Duterte ayaa wacad ku martay in ay mideyneyso Philippines iyada oo ka hadlaysay xaflad ka dhaceysay Davao.

Balantaan ayay qaaday iyada oo dhinac taagan Ferdinand Marcos Junior oo dhawaan badali doona aabeheed.

“Maalmaha soo socda waxay noqon dooonaan kuwa caqbaado miiran ah kuwaas oo sababi doona inaan midowno qaran ahaan” ayay tiri Duterte.

Mudo xileekeeda oo ah lix sano oo ay la qaadan doonto Ferdinand Marcos Junior ayaa ka bilaaban doona 30 ka June.

Wadanka Philippines ayaa gooni loo kala doortaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor