Gabar Soomaaliyeed oo Wasiir ka  ahayd  Itoobiya oo is Casishay

Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee Itoobiya ayaabarteeda twitter-ka ku shaacisay in ay iska casishay xilka, toddobaad kahor iyadoo la filayo inuu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed soo dhiso xukuumad cusub, ka dib markii uu si weyn ugu guuleystay doorashadii muranka dhalisay ee la qabtay bishii June.

Wasiir Filsan Cabdulaahi Axmed, ayaa sababaha ku sheegtay in “shaqsiyaddeeda oo si weyn u miisaaman iyo damiirkeeda,” ay ku qasbeen inay soo gudbiso iscasilaaddeeda.

Ma aysan ka jawaabin codsiyada wareysiga ay BBC-da u gudbisay balse afhayeenka Wasaaradda ayaa warkaas ku tilmaamay mid lama filaan ah. Zelalem Shambel, ayaa BBC -da u sheegay inuusan haynin wax faahfaahin ah oo ku saabsan is casilaadda wasiirka marka laga reebo ku dhawaaqisteeda oo ay ku shaacisay baraha bulshada.

Dowladda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin warkaas, balse qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa ka hadlay aragtidooda.

Ma cadda sida ay muhiim u tahay warka iscasilaadeeda balse waxaa loo maleynayaa xiisad ka dhex jirta hoggaanka sare ee dalkaas.

Kahor inta aysan xilka ka qaban dawladda, Filsan ayaa ahayd qof inta badan u dhaqdhaqaaqa dhiirigelinta wada-hadalka bulshada, gaar ahaan kooxaha Soomaalida iyo Oromada, ee gobolka Soomaalida Itoobiya ka dib rabshado halkaa ka dhacay.

Sannadkii 2019 -kii waxay daah furtay TV madaxbannaan, oo ka mid ah kuwa ugu horreeya ee ka jira deegaanka Soomaalida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor