Gabar Laba jeer ku guuleysatey Ciyaaraha fudud oo la helay Meydkeeda

Agnes Tirop, oo heysata rikoorka adduunka, taasoo u dhalatey Kenya, ayaa laga helay meydkeeda gurigeeda, kaasoo ku yaalla magaalo dhacda galbeedka Kenya, oo la yiraahdo Iten, iyadoo booliiska ninkii ay u dhaxdey u yahay qofka koowaad ee loogga shakisan yahay dilkeeda.

Laba jeer oo ay ku guuleysatey biladda Naxaasta ee Ciyaaraha fudud ee dunida, iyadoo kaalinta afraad ka gashey ciyaarihii kama danbeysta ee Olympic-kada, oo la ordayey masaafo dhan 5,000m, kuwaasoo dhamaadey laba bilood kahor. Waxey dhawaan noqotey 25 sano jir.

Baaritaan danbi ayaa haatan lagu bilaabey dhimashada gabadhan, iyadoo booliisku ay sheegeen in ninkeedii la waayey.

Arbacaddii oo maanta ah, baarayaasha dambigani ayaa waxey tageen guriga Tirop, taasoo booliisku ay sheegeen in aabaheed waa gabadha dhimataye, lagu soo war galiyey in isna la waayey habeenimadii talaadada.

Tom Makori, oo ah madaxa booliiska ee agagaarka ay dhibaatadu ka dhacdey, ayaa sheegay markii booliisku ay gaareen guriga, waxey ka heleen meydka Tirop oo saaran sariirta, waxaana jirey dhiig badan oo daad sanaa dhulka.

Booliiska ayaa intaa ku darey in gabadhani lagaga dhuftey mindi qoorta, iyadoo halkaasi uu kasoo gaarey, lana rumeysan in taasi tahay waxa sababey dhimashadeeda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor