Gabar arooskeeda Maanta la filayay inuu ka dhaco Magaalada Hargeysa oo geeriyootay

Bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta quluubtooda aad u gilgilay war naxdin leh oo ku saabsan gabar arooskeeda la filayay inuu dhaco maanta oo geeri lama filaan ah ku timid.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa tan iyo saaka si weyn u hadal haya dhacdadan, waxaana farxaddii arooska mar qura baddashay tacsida.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday qaban qaabada guurka Faadumo Ismaaciil iyo Khaalid Maxamed Maxamuud oo la filayay inuu meherkooda ka dhaco maanta hoteel ku yaalla magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

“Ma jirin xanuun weyni. kuma ay dhiman shil. Waa ay nabad iyo caafimaad qabtay. Shalay ayaa lagu booday, waxana la filayay inay ka soo rayso. saaka waxa guurkii beddelay geeri,” ayaa ka mid ahaa qoraalladiisa.

Wararka laga helay Ilo ku dhow qoyska Marxuumad, Faadumo Cismaan Aadan Dheeg ayaa sheegaya in Faadumo ay u geeriyootay xanuunka dhiig karta oo kusoo booday.

Qabuuro ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka socda qaban-qaabada Aaska Faaduma Cismaan, iyada oo farxadii Arooskeeda isku bedeshay murugo iyo tacsi gashay qoyska iyo Ehelada Marxuumada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor