Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyay duleedka Muqdisho

Rag hubeysan ayaa Goordhow gaari saarnaayeen dad shacab ah waxaa ay rasaaseeyeen deegaanka Ceelasha biyaha  ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya faah faafino kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ragga hubeysan ay rasaasta ku fureen gaari nooca raacada ahaa, xili uu mararay wadada Jabad geelle, waxaana la socday gaariga saddex ruux oo dhalinyaro ah.

Laba kamid ah dhalinyarada ayaa ku geeriyooday weerarka rasaasta ahaa ee lagu qaaday, isla markaana waxaa dhaawac Culus uu soo gaaray mid kamid ah dhalinyarada, kaasi oo loo qaaday Xarun Caafimaad.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ragga hubeysan markii hore ay doonayeen inay dhac u geystaan gaariga ay la socdeen ragga dhalinyarada, iyagoona falka kadib goobta ay ka bsaxdeen.

Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gurmad u sameeyay dhalinyarada, isla markaana waxaa goobta laga soo qaaday Meydadka iyo dhaawaca, waxaana haatan degan wadada uu falku ka dhacay ee Jabad geelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media