Gaari ay saarnaayen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Maanta Qarax lala eegtay

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya oo saarnaa nooca Soomaalida u taqaano Tikniko ayaa waxaa Maanta qarax lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka aasay ayaa waxaa gaariga ay saarnaayeen Ciidanka uu ku qabsaday inta u dhexeeysa degmada Afgooye iyo degaan lagu magacaabo Mareereey, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay tuulooyin ku dhow halka uu dhacay.

Dad baaraley ah ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa kadib la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee qaraxa lala eegtay, kuwaasi oo la sheegay inay ku wajahnaayeen degmada Afgooye.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa, in kastoo la xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha, waxaana Ciidanka dowladda ay horey sii wateen socdaalkooda ay ugu sii jeedeen Afgooye.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey waddooyin ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed qaraxyo kula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, waxaana qaraxyadaas qaarkood ka dhashay khasaaro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor