Gaari Dad shacab ah oo ku gubtay degaan ka tirsan Mudug

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa ku gubtay inta u dhexeeysa deegaanada Gawaan iyo Wisil ee hoostega Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Galmudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dad ku sugan Wisil ayaa waxaa ay ku warrameen in dabka xoogan uu ka kacay gaariga oo safar dheer ku jiray, kuna wajahnaa degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana dabkaas uu ka dhashay matoorka gaariga.

Ganacsade Maxamed sharad oo ah Milkiilaha leh gaariga gubtay ayaa sheegay in wax khasaaro nafeed ah uusan geysan dabka ka kacay gaariga, isla markaana uu jiro oo kaliya khasaaro hantiyadeed, maadaama oo gebi ahaan gubtay gaariga.

Dadkii saarnaa gaariga ayaa si nabad ah uga degay, kadib markii uu darawalkii waday gaarigaas ku wargeliyay inay cilad ka jirto Matoorka gaariga, kadibna waxaa mar qura dab xoogan uu ka kacay gaariga oo safar ku jiray.

Si kastaba ma’an markii ugu horreeysay oo sidaan oo kale gaari safar ku jiray ugu gubto deegaano ka tirsan Mudug, waxaana inta badan dabka ka dhasha gaariga keena Matoorka oo ku lulaada, maadaama gaadiidka ay safar dhaa dheer galaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor