Gaari ay la socdeen Dad shacab ah oo lagu rasaaseeyay Sh/Dhexe

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas duhurnimadii Maanta lagu rasaaseeyay gaari ay la socdeen dad shacab ah .

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas xoogan ku fureen gaarigaas oo ahaa nooca dadweynaha raacaan ee Hoomey-da, xili uu socdaal ku mararay duleedka Jowhar, waxaana rasaasta ka dhashay Khasaaro.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen Koox burcad ah oo gaadiidka wadada u gasha, waxaana rasaasta lagu furay gaariga ku dhaawacmay laba ruux, kuwaasi oo la tilmaamay inay Caano u wadeen Jowhar.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragii hubeysnaa ee rasaasta furay ay dhac u geysteen dadkii shacabka ahaa ee saarnaa gaariga Hoomey-da, kuwaasi oo falka kadib goobta ka baxsaday.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo laamaha amniga Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan weerarkii lagu rasaaseeyay gaariga ee ka dhacay duleedka Magaalada Jowahr.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media