Feysal Cali Waraabe: “Waan joojinayaa wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland”

Feysal  Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad ah ee Ucid, ayaa sheegay in in Wadahadaladii muddada soo socday ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya uu joojin doono.

Isaga iyo xubno kale oo  ka socda xisbiyada mucaaradka ee Somaliland oo ay hogaaminayaan madaxda xisbiyada, kuna sugan Magaalada Magaalada Nairobi ayaa waxaa ay halkaas u joogaan arrimo ku aaddan doorashooyinka Somaliland.

Faysal Cali waraabe oo ka mid ah madaxdaas ayaa BBC u sheegay in ujeedada ay u scdaan ay tahay sidii ay doorashada dabayaaqada sannadka dambe ka dhici doonta Somaliland ugu raadin lahaayeen taageero farsamo iyo mid dhaqaale.

Faysal wuxuu kaloo BBC u sheegay in uu weli yahay musharrax mar kale u taagan tartanka madaxtinimada Somaliland.

Wxuu intaa ku daray in uu qorshaynayo in uu baarlamaanka hor geeyo in la joojiyo wadahadalladii u dhaxeeyey Somalia iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo khasaare mooyee aysan faa’iido ugu jirin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor