FB-da oo ku raad joogta Sarkaal Xubin ka ah Ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran

Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Sarkaal u dhashay dalka Iraan in lagu soo oogay dacwad la xidhiidha inuu doonayey inuu dilo ama khaarajiyo John Bolton oo ahaa la taliyihii hore ee amniga qaranka ee xilligii madaxweyne Trump, taas oo loo malaynayo inuu doonayey inuu dilkaas u fuliyo, si uu ugu aargudo weerarkii dhinaca cirka ahaa ee Maraykanku ay ku dileen Jeneraal sare oo awood badnaa oo u dhashay dalka Iraan.

Hay’adda dembi baadhista Maraykanka ee FBI ayaa haatan ku raadjoogta inay soo xidho sarkaalkaas oo ay ku magcaabeen Shahram Poursafi, iyaga oo sheegay inuu xubin ka yahay ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in falkani ay u badan tahay in uu yahay aargudasho la xidhiidha weerarkii ay ciidamada Maraykanku ku dileen bishii January ee sannadkii 2020, Qasem Soleimani oo ahaa madaxii ciidamada Qudus ee

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor