Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Banaanbixii Maanta ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay banaanbaxyo xoogan oo looga horjeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Faysal Cali oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo banaanbixii Maanta ka dhacay Muqdisho oo looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo iyo qorshaha dowladda ee Doorashada dalka ka dhaceysa.

Guddoomiye Feysal ayaa weerar afka ku qaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay inuu doonayo inuu qabto doorasho isaga oo kaliya ku kooban, isla markaana uu u dhaqmayo si kaligiis telisnimo ah.

“Banaanbixii ka dhacay Muqdisho waan soo dhoweynaynaa. reer Muqdisho waxaan leeyahay gilgisha oo is xoreeya, xabad qura ha ku ridina ee la dagaalama wuu iska cararayaa ee Farmaajo, waanu idin garab taaganahay.” Ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale Guddoomiye Feysal ayaa ka hadlay safarkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku tegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo Safarkaas, isla markaana labada dhinac uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo horey u soo jiray.

Si kastaba Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo rabshado watay oo looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo, waxaana rasaas lagu furay dadkii dhigayay banaanbaxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media