Farmaajo oo Xil cusub u magacaabay Fahad Yaasiin Shirna isugu yeeray Golaha Amniga

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo   ayaa goordhow Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ee xilka laga qaaday Fahad Yaasiin iyo Mas’uuliyiin kale u magacaabay xilal cusub.

Wareegto uu soo saaray Farmaajo ayaa waxaa marka hore xilka Agaasimaha guud ee Madaxtooyada loogu magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wareegtada uu soo saaray ku caddeeyay inuu aqbalay Istaqaalo uu u soo gudbiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin ee uu xilka qaadista ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin u magacaabay inuu noqdo taliyihiisa dhinaca Amniga, halka Taliyaha NISA si KMG ah uu ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir,

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ee uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan;

1-Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda.

2-Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.

3- Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.

4- Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor