Farmaajo oo War kasoo saaray Doorashooyinkii Aqalka Sare ee lasoo gaba-gabeeyay

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hambalyeey guusha dhammeystirka doorashada Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey dardar-gelinta doorashada.

Madaxweynaha ayaa xusay sida xilkasnimada ah ee Madaxda Dowlad-goboleedyada dalku ay u guteen waajibaadka Qaranka ee ka saarnayd soo gudbinta musharaxiinta Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Farmaajo ayaa ku boggaadiyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaannada heer Dowlad-Goboleed gudashada masuuliyadda kaga aadanayd doorashada Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Amniga Doorashooyinka iyo Ciidanka Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sugidda ammaanka goobaha doorashada Aqalka Sare, isaga oo tilmaamay kartida iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin qabashada doorasho ka turjumeysa hor u socodka dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soomaaliyeed.

Doorashooyinka Aqalka Sare ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyadoona la doortay 54 Senator oo kamid noqonaya Golaha Aqalka Sare, waxaana haatan la guda geli doonaa doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u muuqatada mid uu ka jiro cago jiid badan.