Farmaajo oo saxiixaya Sharciga Dhismaha Guddiyada la-dagaalanka Musuq-maasuqa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu saxiixo sharciga dhismaha guddiyada ladagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiiso Munaasabad ka dhacaysa Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Agaasime ku xigeenka Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Xaashi oo ka la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sharcigaan inuu yahay mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media