Farmaajo oo qaatay Tallaalka Cudurka COVID-19 ee la soo gaarsiiyey dalka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 ayaa adkeeyey masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba inaga saaran samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalka.

Farmaajo ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka.

“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad XFS, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

Madaxweynaha oo ku boggaadiyay Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble dadaalka ay ku bixisay in tallaalka Cudurka COVID-19 uu soo gaaro dalka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, taas oo aasaas u ah daadejinta adeegyada cafimaad ee lagu wajahayo cudurkan safmarka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor