Farmaajo oo Magacaabay Guddi Qaran oo baaritaan ku sameeya Kiiskii Ikraan Tahliil

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Maxamed farmaajo ayaa magacaabay Guddi Qaran oo baaritaan ku sameyeeya Kiiskii Marxuumad Ikraan Tahliil faarax.

Guddiga uu Magacaabay farmaajo  ayaa waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sid” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Villa Somalia.

Hoos ka akhriso Warqadda Guddiga lagu magacaabay

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor