Farmaajo oo kulan la yeeshay Wafdigii Dowladda Soomaaliya ee Kiiskii Badda

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Soomaaliya ee Kiiska Badda ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo socda ay tusaalaha ugu noqdeen dhanka difaaca Qarankeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guusha kiiska badda ay muujisay kobaca dareenka wadaniyadeed iyo midnimo ee shacabka Soomaaliyeed, isaga oo Guddiga uga warbixiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u xuseen guushan taariikhiga ah iyo damaashaadka ay ka dhigeen dal iyo dibadba.

“Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna.”

Farmaajo iyo Guddiga ayaa wadajir ugu duceeyey, Alle ha u naxariistee, Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobjoog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiiskan, isaga oo ammaan iyo mahadcelin u soo jeediyey Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horreeyaan Drs. Muna Sharmaan.

Kulankan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle.

Wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga kiiska Dacwada Badda oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xukuumadda dalka Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, iyagoona loo sameeyay soo dhaweyn ballaaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor