Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha la dhaariyay ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Abby Ahmed.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ku aaddan, xaaladda siyaasadeed ee Gobolka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Abby Ahmed ayaa iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaaray Adis-Ababa, waxaana uu halkaasi kaga qayb galay caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo mar kale loo dhaariyay RW Itoobiya, Isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay Munaasabadda xildhaarinta, taasi oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee Gobolka iyo xiriirka labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor